4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay todobaad Alle Bari iyo Roobdoon ah

 Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyaan isu soo baxdyo ALLE bari iyo Roob doon ah.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirrada Warfaafinta, diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasimeyaala ka socda wasaaraha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood, ayaa shir saxaadeed ku qabtay xafiiskiisa oo oo uga hadlay xaaladaha abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis ah, isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo qaxaan gobollada ay dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey dedaallada ay wadaan
Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka ee guddiga Abaaraha Soomaaliya oo sameeyey isku dayo wanaagsan ilaa welina wada.

Sidoo kale Madaxweynaha Farmaajo, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maalinta Talaadada ee soo socoto ay sameeyaan isu soo baxyo ALLE Bari iyo Roob doon, si ALLE nooga dulqaado abaaraha dalka aafeeyey xilligaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dambiyada ka dhacay Soomaalida dhexdooda in ay keeneen abaaraha, loona baahan yahay in laga Towbad keenno, si Khataraha ay abaartu ka mid tahay ALLE nooga Qaado.

Madaxweynaha ayaa todobaad ka hor ku dhawaaqay inay ka jirto Soomaaliya xaalad musiibo qaran, iyadoo dad iyo duunyo ay u dhinteen abaarta ka jirta dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]