AMISOM oo dalbaneysa ciidamo cusub oo dheeraad ah
Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) - Madaxa Hawlgalka Ciidamada Midawga Afrika ee
Soomaaliya Francisco Madeira ayaa raadinaya in ciidamo dheeraad ah loo soo diro
Soomaaliya si ay uga guulaystaan kooxda Al-Shabaab isla markaana ugala
wareegaan goobaha ay gacanta ku hayaan.
Codsiga Francisco Madeira ee ku aaddan in la keeno Soomaaliya ciidamo aan
tiradooda la cayimin, oo ka yimaadda dalalka Midawga Afrika, ayaa ku soo
beegmaya xilli ay soo baxayaan walaac la xidhiidha in ciidanka Milateriga
Soomaaliya aanu weli diyaar u noqon inuu la wareego ammaanka dalka, iyada oo la
filayo in ciidamada AMISOM ee gaadhaya 22,000 ay dalka ka baxaan marka la
gaadho dhammaadka sannadka 2020.
Alshabaab ayaa sii wada weerarada ay
dadka badan ku dhintaan ee ay ka fuliyaan caasimadda soomaaliya ee Muqdisho iyo
meelo kale oo dalka ku yaalla. Weerarada ururku uu ku qaaday, labadii sano ee
ugu dambaysay, saldhigyada milateri ayaa hoos u dhigtay hawlgalladii wada jirka
ahaa ee ay fulinayeen ciidamada midawga afrika iyo kuwa Soomaalida ee lagu qaadayey
ururkan.
Fariinta ka timi Madeira ayaa ku soo beegantay iyada oo isla maalintaas uu
digniin soo saaray Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaabilsan Afrika, waxana
digniintaas sheegay Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika xilli uu ku sugnaa
Washington, isaga arrintan u gudbiyey guddida Senateka Maraykanka ee qaabilsan
arrimaha ciidamada.
Sida qorshuhu yahay, Ciidamada AMISOM ayay tahay inay bilaabaan inay dalka
Somaliya ka baxaan sannadka 2018, hase ahaatee Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee
Afrika General Thomas Waldhauser ayaa sheegay, in haddii sidaasi ay dhacdo oo
Ciidamada Midawga Afrika ay bilaabaan inay baxaan iyada oo ciidamada Soomaalidu
aanay awood u yeelan inay ammaanka la wareegaan, inay dhici karto in qaybo
badan oo Soomaaliya ahi inay gacanta u geli doonaan in ururka Alshabaab ay dib
ula wareegaan ama ururka ISIS fursad u siiso inay ku sii xoogaystaan
Soomaaliya.
Taliska Maraykanka ayaa sheegay in kooxaha gacansaarka la leh ISIS inay ka
mid yihiin halisaha ugu dambeeyey ee haatan soo foodsaaraya dalka Somalia, ka
dib markii kooxahaasi ay ka goosteen ururka alshabaab sannadkii 2015.
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay haatan ku talo jiraan inay door
intan ka ballaadhan ku yeeshan hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee
Soomaaliya, laakiin ay ka koobnaandoonto weeraro xagga cirka ah oo ay ku jiraan
kuwa duqaymaha ay sameeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo in la
ballaadhiyo hawlgallada gaarka ah ee lagu gacan siinayo ciidamada gudaha.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haysta
dhalashada Maraykanka ayaa bishii hore la wareegay talada dalka Soomaaliya,
wuxuuna isku dayayaa inuu baahiyo awoodda xukuumadda dhexe isla markaana uu
gaadhsiiyo qaybo badan oo dalka ah.
Ugu danbeyntii, toddobaadkan waxaa Soomaaliya booqasho ku tegey Xoghayaha
Qaramada Midoobay Antonio Guterres, wuxuuna ku baaqay in taageero loo fidiyo
ciidamada Midawga Afrika ka dib markii Midawga Yurub oo ahaa dalka lacagaha ugu
badan ugu deeqa ay sannadkii hore ku dhawaaqeen inay jareen 20% oo ka mida
lacagihii ay siin jireen.
Xigasho VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]