4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2017
Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland oo ka hadlay xeerka Baananka ganacsiga iyo cabashada shaqaalaha dekada Berbera

Axad, Maarso ,12, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay xeerka Baananka Ribada ah ee shalay la hor keenay aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu sheegay in xeerkaasi uu Golaha horyaalay illaa wakhtigii Xukuumaddii Ra’yaale,isla mar ahaantaana aanay marnaba ansaxin doonin xeer lid ku ah shareecada Islaamka iyo weli ba dastuurka Somaliland.

“Xeerkaa wakhtigii Madaxweyne Ra’yaale, ayaa la keenay Golaha Wakiilada, muddadaas ku dhow tobanka sanno na wuu yaalay, mar walba na waxa la doonayey in la waafajiyo shareecada iyo dastuurka se shacabka Somaliland waxa aan u sheegaynaa in Golaha Wakiilada Somaliland aanu hore u ansaxinin, maanta na ma ansaxinaayo wax shareecada iyo dastuurka ba ka soo horjeeda, waxaana loo baahan yahay haddii wax ku jiraan in meesha laga saaro. Xeerka na Xukuumadda keentay, haddii xukuumaddu la noqoneysa na oo Golaha laga dulqaadaya na waxa aanu lee nahay ha laga dulqaado.”.ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sida oo kale ka hadlay mudaharaad ka dhacay magaalada Berbera oo la sheegay in ay sameeyeen shaqaale cabasho ka muujinaaya shirkadda DP World ee dhawaan la wareegtay maamulka dekadda Berbera, waxaana uu Xukuumadda ku dhaliilay in ay ka gaabisay xalinta iyo weli ba hagaajinta wixii u dhaxeeya shaqaalaha dekadda iyo maamulkaa cusub ee la wareegay dekadda Berbera.

“Xukuumaddaa laga rabey in aanay isku sii deynin maadaama ay wareejinayso ama ay wareejisay dekadda anagu war sugan ba kama haynee in muwaadiniinta reer Somaliland ay helaan wixii ay xuquuq u lahaayeen, shaqada in nidaam loo sameeyo ayey ahayd, wixii gef ah ee lagu sameeyo shaqaalaha na xilku wuxu saaran yahay Xukuumadda oo ay tahay in ay hagaajiso, haddii ay hawsheeda gabto na waxa laga yaabaa in halkaa muran iyo dagaal ba uu ka yimaado. “.Ayuu yidhi Cirro.

Sidoo kale, guddoomiye Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi, waxa uu tilmaamay in ay Xukuumaddu ku fashilantay xalinta sicir-bararka adag ee ka taagan gudaha Somaliland, isaga oo ugu baaqay in ay la timaado qorshe cad oo ay wax kaga qabaneyso xaaladda sicir-bararka.

“Arrinta sicir-bararka Xisbiga WADDANI hore ayuu uga hadlay, xalkii ay tidhi Xukuumaddu waanu sameynayna muu shaqeynin oo 700,000/SL/Shilling ah bay ku jartay sicir-bararka, Tv-yada ayaana aan habeen dhaweyd ka maqlaayey hooyooyin aad u cabanaaya oo leh 9,000SL/Shilling ah iyo 10,000SL/Shilling ah buu marayaa $1 halkii dollar oo ahayd halkii dee laga eegayey in lagu sarifo 7000SL/Shilling ah, markaa waa ay ku fashilantay Xukuumaddu xalkii ay waday, xal wax lagu xakameeya na Xukuumaddu ha la timaado.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.