4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2017
Shaqo joojin laga sameeyay dekadda magaalada Berbera

Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya magaaalada Berbera ayaa sheegaya qaar ka mid shaqaalaha halkaa ka sameeyeen shaqo joojin, iyaga cabanaya Shirkadda DP World ee la wareegtay dekaddaasi 1-dii bishan Maarso.

Jaamac Yuusuf, gudoomiyaha gobolka Saaxil ee ay ka tirsan tahay Berbera, ayaa sheegay in shaqaalaha ay ka cabanayaan mushaharka shirkaddaasi, isagoo intaa ku daray in ay hadda xaaladdu dejiyeen oo ay caadi tahay.

Madaxa qaybta gaadiidka iyo qalabka raridda iyo dejinta ee dekedda Berbera, Xuseen Nuur Cabdi, ayaa isna BBC u sheegay in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

Waxaa uu sheegay in uu shaqaalaha ku amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena uu kuwo ajaanib ah keensanayo. Wuxuu intaa ku daray in shaqaalaha qaarkood la xirxiray, rasaasna lagu riday.

Ugu danbeyntii, shirkadda DP World ayaan wali ka hadlin cabashada shaqaalahan iyo mudaaharaadyada

.C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]