4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2017
Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya deegaannada Jubbooyinka

 Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) – Magaalada Kismaayo waxaa ka soconaya qaban qaabo iyo diyaar garoow la xiriira howlgal ka dhan ah xoogagga Al-shabaab, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in maalamaha soo socda uu bilaaban doono.

Wararka ayaa intaa ku darray in ay qeybo ka mid ah deegaannada Jubbooyinka lagu arkayo diyaarado jawi hoose u duulaya.

Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryaha ayaa la ogeyn dalalka laga leeyahay, balse waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan gulufka dagaal ee Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.

Howl gallo ay si wadajir u fuliyeen ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya iyo ciidamo Mareykan ah oo diyaarado ay taageerayaan ayaa todobaadyo ka hor ka dhacay deegaano u dhow degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, waxaana ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen.

Ugu danbeyntii. Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa Gobolka Jubadda Dhexe, waana gobolka kaliya ee ay si guud degmooyinkiisa u maamusho, waxaana la sheegaa inuu yahay gobolka ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]