4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2017
Hoobiyaal maanta kusoo dhacay degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) - Tira hoobiyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in hoobiyaasha laga soo tuuray xaafadda Baar-ubax.

Ciidamadda dowladda oo howlgallo, ka sameeyay xaafadda Baar-ubaxa, ayaa waxaa ay soo qab-qabteen qaar kamid ah dhalinyarada deegaanka ee looga shakiyay in hoobiyaasha ay wax ka ogaayeen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha, mana jiraan cid sheegatay masuuliyada weerarka. 

Amaanka magaaladda Muqdisho, beryihii lasoo dhaafay, waxaa uu u muuqday mid aan wanaagsaneen, maadaama ay soo noq-noqdeen dilalka gaadmada ah.

Hassan Istiila
[email protected]