4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2017
Ajandaha kalfadhiga golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta buuq ka dhashay

 

Sabti, Maarso ,11, 2017 (HOL)- Kalfadhigii golaha Wakiiladda ee maanta ayaa waxa ka dhashay buuq iyo qaylo ay sabab u tahay ka dib markii ajandaha kalfadhiga lagu soo daray xeerka Baananka Ganacsiga oo ay xildhibaanadda qaarkood sheegeen inay ku jirto xeer xalaalaynaya Ribadda.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in ajandaha kalfadhigan qodobka sideedaad ku jiraan xeerka Ganacsiga Baananka oo ay ku doodayaan in lagu dhex qarinayo xeer xalaalaynaya in Ribaddda lagu shaqeeyo.

Fadhigan waxa shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaanay mudanyaaashu cod gacan taag ah ku meel mariyeen ajandaha saddex iyo sodonaad ee golaha wakiilada oo uu qayb ka yahay Xeer Bangiyadu.

Fadhigan golaha wakiilada oo uu hadheeyay buuq iyo sawaxan lagu dalbanayay in kalfadhiga laga saaro xeerka bangiyada oo Afartii Sanno Ee Lasoo Dhaafay horyaalay golaha halka qaarkoodna soo jeediyeen in lagu daayo ayaa Guddoomiyahe Baashe golaha ka codsaday inay cod ku diidaan ama ku ogolaadaan.

“Ajandaha Kalfadhiga saddex iyo sodonaad ayaa waxa Cod gacan taag ah ku meel mariyay 26 Mudane waxaana diiday 11 mudane waxaana ka Aamusay Shan Xildhibaan guddoomiyahuna muucodayn”sidaas ayuu yidhi

guddoomiye ku xigeenka 1aad oo fadhiga guddoominayay inuu ku Ansaxay Ajandaha Golahu Ku hawl gali doono.

Xildhibaanadda ayaa qaarkood sheegayeen in xeerkan yahay kii Baananka ganacsiga, halka kuwo kale ku doodayeen inay ku jiraan xeerarka Bankiyadda Ribadda ah, waxaana markii shirkaasi soo dhamaaday kulan la yeesheen culimadda qaarkood, kuwaas oo kala hadlayey in ajandaha laga saaro xeerkaasi.

Haseyeeshee, dadka qaar ayaa qaba inay xeerkan Baananka Ganacsiga ka soo horjeedaan Baananka hore wadanka uga jiray oo diidan in suuqa lala qaybsado, maadaama oo baanankan hadda ka jira lacag badan saaraan maalgashiga, isla markaana shuruudaha maalgashiguna adag yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.