4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2017
Dowladda Puntland oo Shuruud ku sii daysay Nabadoon Xarago oo ku xidhnaa Xabsiga Bosaaso

/images/2017/Mar/
Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xarago


Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) -Dowladda Puntland ayaa maanta xabsiga magaalada Bosaaso ka sii daysay Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xarago, kaasi oo todobaad ka hor loo xiray eedayn uu u soo jeediyay maamulka oo ku aadanayd sida loola dhaqmo maxaabista ku xidhan xabsiyada gobolka.

Ka dib kulan muddo qaatay oo ay wada yeesheen madaxweynaha Puntland iyo odayaal matalaay beesha uu ka soo jeedo Nabadoonka ayaa lagu go'aamiyay in laga sii daayo xabsiga ka hor intii uusan shalay madaxweynaha Puntland ka dhoofin Bosaaso.

Waxaa la sheegay in dowladda Puntland ay shuruud uga dhigtay sii daynta nabadoonka in uusan dib uga qayb-qaadan kicin shacab, isla markaana uu noqdo Nabadoon ka shaqeeya wannaag-ga Puntland sida laga soo xigtay ilo ku sugan madaxtooyada.

Nabadoonka ayaa markii uu maanta ka soo baxay xabsiga sheegay in lagu sii daayay amar maxkamad ,mana uusan faah-faahin habkii loo maray sidayntiisa oo dhinacyo badan oo isugu jira waxgaradka iyo dowlad-daba ay ka qayb-qaateen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Nabadoonka uu aqbalay shuruud-da ay u soo jeedisay dowladda Puntland ,taasi oo ahayd in uusan ku lug yeelan wax kasta oo nidaamka hadda jira dhibaato ku keeni kara.

Ugu danabayn,Nabadoonka ayaa muddo todobaad iyo dheeraad ah ku qaatay xabsiga magaalada Bosaaso ka dib markii uu dowladda ku eedeeyay in ay jirdisho maxaabiista ku eedaysan danbiyada argagaxiso ee ku jira xabsiga dhexe ee Bosaaso.

Faysal M. Hassan
[email protected]