4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2017
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo baaraya in la jabsaday xafiiskiisa oo ku dhex yaalla Madaxtooyada (Wareysi Hiiraan Online)

 

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) -Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo wareysi  kooban siiyay Hiiraan Online ayaa sheegay in baaritaan ay socdaan oo ku aadan, xatooyo la sheegay in lagula kacay xafiiskiisa oo ku dhex yaalla Dhismaha ay ku shaqeyso Wasaaradda Maaliyadda ee ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia.

“Waxaa aan bilownay baaritaan ku aadan arinta xatooyada, wixii kasoo baxa dib ayaan idinkaga soo sheegayaa”,  ayuu yiri  Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaya in waxyaabihii laga xaday xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya, ay ka mid yihiin, Ducumentiyo iyo agab kale oo ay ku jiraan computer-ro laptops ah.

Villa Soomaaliya, ayaa ku dhex taala meel amaankeeda aad loo adkeeyay, oo uu gali karo oo keliya qof la baaray ama si wanaagsan loo yaqaano.

Hassan Istiila
[email protected]