4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2017
AMISOM : Waxaa dhici karta in qorshaha Imika uusan guuleysan

 

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) - Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa qirtay in qorshaha iminka ee isku haleeya kaliya weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqaya in la kordhiyo ciidamada AMISOM, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay xukumaan goobaha horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Madeira ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xaaladda iminka ay ku sugan yihiin aysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga xoreeyey.

Isaga oo ula jeeda ciidamada Soomaaliya, ayuu Madeira sheegay in kuwii ay ahayd inay ayaga dagaalamaan ay AMISOM ka sugayaan inay ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri in AMISOM ay dhinac kala dagaalameyso Al-Shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa la joogaa, ayuu yiri, waqtigii aan caddeyn lahayn in AMISOM aysan weligood joogi doonin Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo si buuxda u shaqeeya oo maamula goobaha AMISOM ay ka xoreyso Al-Shabaab.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]