4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 11, 2017
Puntland oo ka hadashay sababta xayiraada TV-ga Universal

 Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii keentay in Puntland ay degaanada ka joojiso TV-ga Universal.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland aysan ogoleyn in la kici bulsho iyo dadka lagu dhax faafiyo sida uu hadalka u dhigay dacaayad iyo wax aan waxba ka jirin.

‘’Dabcan xoriyada saxaafadda waa lagama maarmaan, laakiin qofka wariyaha ah lama ogolaanayo in wixii uu doono uu iska sheego ama iska qoro, wax kastana wariyuhu xor uma aha, waad ogotihiin aduunyada waa leys dacweeyaa’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Waxaa uu sidoo kale sheegy in Universal TV uu degaanada maamulka Puntland ka waday kicinta bulshada dhaqan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Puntland aysan saxaafadda caburin laakiin cidii sharciga ka soo tilaabta ay sharciga la tiigsan doonaan.

Ugu danbeyntii, maamulka Puntland ayaa dhawaan Albaabada u laabay xarumaha tvga Universal ee degaanada maamulka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]