4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2017
Xildhibaanada Hirshabeele oo bilaabaya baaritaanka saddex ruux oo ay AMISOM dishay

 

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL)-  Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ay si wada jir ah u baarayaan saddex ruux oo shacab ah oo ay AMISOM xasuuqday, todobaadkii hore.

Dhibaatada AMISOM lagu eedeeyay in ay geysteen, waxaa ay ka dhacday deegaanka Maguurto oo 10km dhinaca Bari kaga beegan degmadda Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

“ Xildhibaanada Hirshabeele, waxaa ka go’an in ay baaritaankaasi salkiisa ay gaaraan,  Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ugama hari doono,  ciidanka AMISOM dilka ay u geysteen shacabka” waxaa sidaasi yiri Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle.

“ Ciidamadda AMISOM, waxaa ay dileen saddex ruux, dad kalena waa ay dhaawaceen, deegaankana dad ayeey kasoo kaxeysteen” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dadka dhibaatada la gaarsiiyay, ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen dad xoola-dhaqata ah.

AMISOM, ayaa sanadkii lasoo dhaafay, dad rayid ah oo saarnaa gaari bus ah, ku rasaaseeyay deegan ka tirsan Shabeellaha Dhexe, sidaasi si lamid ah isla sanadkii 2016 qoys reer miin ah ayeey gaari dul marsiiyeen deegaan u dhow Magaaladda Marka.

Hassan Istiila
[email protected]