4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2017
Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Shalambood

 

Sabti, Maarso, 11, 2017 (HOL)-  Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhiga ciidamadda dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deeegaanka ay sheegeen.

Korneel Cabdi Daahir oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadda oo dhiifanaan ay ka muuqato in ay iska difaaceen weerarka.

Dagaalyahanada xarakadda Al Shabaab, ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka geysta deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, saraakiisha ciidamadana ma aysan sheegin, khasaaraha weerarka.

Xaaladda ayaa saaka kusoo noqotay si caadi ah, waxaana dib u biloowday ganacsiga yar-yar ee deegaanka.

Hassan Istiila
[email protected]