4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Maalin Arbaco ayaa lagu xasuusan doonaa Dowladda Farmaajo. Maxey tahay sababta ?

 

Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) –Maalin kasta oo ka mid ah todobaadka, waxaa ay leedahay mudnaan iyo xusuus gaar ah. Dowladda hadda ay yeelatay Soomaaliya, ayaa si gaar ah waxaa loogu xasuusan doonaan maalinta “Arbada”.

Tusaale:

8-da bisha February oo maalin Arbaco ay ku beegneed ayaa Madaxweyne loo doortay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale Maalin Arbaco ah oo taariiqda ay ku beegneed 22-ka February ayaa la caleema saaray Madaxweyne Farmaajo. 

In kastoo maalin Khamiis ah uusan madaxweyne Farmaajo u dooran Xasan Cali Khayre Ra’iisal Wasaare, haddan maalin Arbaca ah ayaa Barlamaanka ay ansixiyeen Ra’iisal wasaaraha.

Ma jirto xumaan ay leeyihiin maalmaha todobaadka, haddana marka maalin ay kulmiso dhacdooyin waaweyn, waxaa soo bixi kara su’aalo ka yimaada dadka siyaasadda ku jira iyo kuwo kale.

Madaxweyne Farmaajo isaga ma dooran in maalin Arbaco ah doorashada ay dhacdo, maxaa yeelay isagaaba musharax ahaa, balse waxaa la dhihi karaa maalmaha kale ee Arbacada ah ee munaasabadihii muhiimka ahaa la qabtay, ayuu go’aankeeda  lahaa.

Haddii maalmihii waaweynaa ee Madaxweyne Farmaajo ay ahaayeen Arbaco, soow laguma xasuusan doono Arbaco?

Hassan Istiila