4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Shirkadda Isgaadhsiinta GOLIS ayaa 50,000 Doolar ku wareejiyey gudiga abaaraha gobolka Sool


Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Shirkada Isgaadhsiinta Golis ayaa deeq lacag oo dhan 50,000 oo Dolarka Mareykanka ah soo gaarsiisey gudiga abaaraha Gobolka Sool.

Madaxa Shirkada GOLIS ee gobolka Sool Sheekh Aadan Cali Nuur ayaa gudiga abaaraha ku wareejiyey lacagtaas isagoo sheegay in ay ugu talagaleen dadka dhiban ee abaaruhu saameeyeen in biyo loogu dhaamiyo.

"Waxanu ugu tala galay in aanu wallaalahayaga dhibaataysan aan la qaybsano dhibta haysata, maaha mid aanu amaan iyo xayeysiis uga jeedno" sidaa waxaa yidhi Sheekh Aadan oo intaas raaciyey in wixii soo kordha ay u wada joogaan.

Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha gobolka Sool iyo Buuhoodle Sheekh Maxamed Saleebaan ayaa si weyn ugu mahad celiyey shirkada GOLIS waxaanu ugu duceeyey in Illaahay halka ay ka soo bixiyeen wax ka badan uu ugu bedelo;

Qaar badan oo ka mid ah waxgarad iyo Culimo oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay shirkada Golis ugu duceeyen talaabada ay qaaday waxaanay ugu baaqeen in shirkadaha kale ee aan ka qayb qaadan hawlaha abaarahu ay u kacaan dadkooda.

Deeqdan ayaa ku soo beegmaysa xili xaaladii ugu ba'nayd ee abid soo marta degaankan oo ay la wadaagaan guud ahaan dhulka Soomaalidu ku nooshahay ayaa gudiga abaaraha waxaa ku soo dhacaya eedaymo badan halka iyagana ay sheegayaan deeqaha ay helaan iyo baahiyaha jiraa inay kala badan yihiin.

seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool