Olole iskaa wax u qabso oo wadooyin lagu dhisayo magaalada Widhwidh ee G. Cayn oo la bilaabay
Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Olole balaaran oo lagu dhisayo wadooyinka Magaalada Widhwidh
oo ka tirsan gobolka Cayn Buuhoodlena barri kaga quman una jirta 60Km.
Ololahan ayaa waxa la sheegay in ay
soo qabanqaabiyeen dhalinyarada iyo waxgaradka degaanka Widhwidh.
Ing.Maxamed Ciise oo hawshani wada
ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in gebi ahaanba wadooyinka magaalada ay
dhigaan dhagax aan ka dhicin laamiga.
"halkani waa jidka 30ka waxaana
ka shaqaynaya dadka degaanka iyagoo aan cidna wax ka sugayn" ayuu yidhi
Ing. Maxamed, waxaanu intaas ku daray in gaadiidka shaqaynaya ee keenaya
dhagaxa ay iyagu isu qabaan, dadka ka shaqaynayaan waxa uu sheegay in ay yihiin
dhalinta magaalada.
Sekeriye Maxamed Ciise
"Wadani" oo HOL uga waramaya hawshan ayaa waxa uu sheegay in ay tahay
talaabadii ugu weynayd ee dadka degaanku ay iskaa wax u qabso ku sameeyaan.
Magaaladan ayaa sanadkii 1996dii
hawl balaadhan oo wadooyin loogu banaynayo lagu qabtay olole uu bilaabay Keyse
Cabdi Yuusuf oo haatan ah Wasiirka Amniga Maamulka Khaatumo oo waqtigaas ahaa
ganacsade magaalada degan, waxaana ay waqtigaas dumiyeen guryo badan oo ay
dadkii lahaa ay u dhiseen guryo.
Dhinaca kale waxa ay wadaan dadka
degaankaas Garoon Diyaaradeed oo la kaashanayaan maamulka Khaatumo.
Magaaladan ayaa haatan xarun u ah
Maamulka Khaatumo kadib markii oo dhowaan halkaasi tegey hogaamiyeheeda Prof.
Cali Khaliif Galaydh oo xiisad ka dhalatay wadahadalo uu kula jiro Somaliland
xiisado kaga kiciyeen magaalada Buuhoodle oo awel xarun u ahayd.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool