4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Faah faahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay degmada Dherkenley

 Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay degmada Dhekenley oo la eegtay gaar uu la socday macalin sida la sheegay wax ka dhigi jiray dugsi lagu magacaaabo Halgan oo ku yaala degmada.

Shaqsiga ku dhintay qaraxa ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Aadan Goomey waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay markiiba isugu soo baxay oo ku soo xoomay dadka degmada oo qaarkood siweyn u garanayay marxuumka.

Illaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysay dilka macalinkan, mana jirto cid sheeegatay dilkiisa.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya qaraxyo todobaadyadii ugu danbeeyayba ka dhacayay qeybo ka mid ah caasimada oo lagu bartilmaameesaday dad kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]