Ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbadiisii baarlamaanka todobo qodob uga hadlay
Arbaco,
Marso, 01, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Xassan Cali Kheyre oo maanta
codka kalsoonida ka helay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa khudbad uu
ka hor jeediyay xildhibaannada uga hadlay ilaa todobo qodob oo sida uu sheegay
muhiimad gaar ah uu siinayo.
Abaaraha
Wuxuu Ra'iisul wsaaraha sheegay in
abaaraha ay halis ku yihiin jiritaanka dadka, waajibna tahay in si wada jir ah
wax looga qabto.
"Waxaa billaabi doonaa shaqo
waafi ah oo la xiriira sidii dadka Soomaaliyeed dhibka looga bixin lahaa",
ayuu yiri.
"Waa inaan yareynaa sababaha
keenaya in abaaraha ay soo noqdnqodaan" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Golaha
wasiirada
Wuxuu sheegay in uu og yahay
muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay'adaha dowladda.
"Waxaan billaabi doonaa
wadatashi dhinac kasta ah si aan u soo dhiso golo wasiiro oo tayo leh",
"xukuumadeyda waxay
xoojindoontaa wada shaqeynta, iskaashiga iyo wax wada qabadka hay'adaha
dowladda, si looga mira dhaliyo soo dhoweynta doorashada madaxweyne
farmaajo".
"Nabad
iyo nolol"
Waxaa uu sheegay in ra'iisal wasaaraha in dowladdiisa ay ku shaqeyn doono qorshe ah, Nabad iyo Nolol.
Wuxuu ka hadlay arrimaha ugu badan
ee diiradda uu saari doono.
"Waxaa wax ka qaban doonaa,
gurmadka abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, xasilinta dalka, la
dagaallanka musuqmaasuqa, hagaajinta maamulka iyo maareynta dhaqaalaha
dalka" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha.
Wuxuu intaa raaciyay "Waxaan
sidoo kale ka shaqeyndoonnaa hirgelinta cadaaladda iyo dib u habeynta
garsoorka, dhameystirka dastuurka, xoojinta federaalka, hirgelinta axsaab siyaasadeed,
hirgelinta doorashiiyiin heer degmo iyo gobol, horumarinta dimuquraadiyadda iyo
dhameystirka dib u heshiisiinta".
Wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu
xoojindoono midnimada iyo xiriirka maamuladda dalka.
Isla
xisaabtan iyo hufnaan
Ra'iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu ballan qaadayo sare u qaadidda hufnaanta iyo isla
xisaabtanka si musuqmaasuqa loola dagallamo.
"Waxaan la imaan doonnaa
dadaal, daacadnimo, karti, hufnaaan ku saleysan isla xisaabtan", Ayuu
yiri.
"Waxaan xaqiijin doonaa inaan
si joogto ah u hor imaano aniga iyo golaha wasiirada, baarlamaanka hortooda, si
daahfurnaa iyo isla xisaabtan loo heli".
Kheyre ayaa sheegay "Waxaan si
adag ula dagaali doonaan musuqmaasuqa iyo maamul xumada. Qofkii lagu helo
musuq, tallaabo ayaan laga qaadi doonaa, mana jiridoono qof sharciga ka
sareeyo".
Rajada
Shacabka
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in
xukuumadda halbeegeedu uu yahay Karti iyo Hufnaan.
Wuxuun cadeeyay: "Waa inaan
rajada shacabka ay u hayaan dowladda ka dhabeynaa, aanna tusnaa wax qabad dhab
ah, si loo dhabeeyo kalsoonida ay shacabka u qabaan dowladooda".
Dhallinyarada
iyo Dumarka
Wuxuu sheegay in dumarka iyo
dhallinyarada ay yihiin dad muhiim u ah dib u dhiska dalka Soomaaliya.
"Waxaan dhallinyarada
Soomaaliyeed u sheegayaa in waqtoigooda uu yimid. Waxaan ku boorinaayaa inay ka
qeybqaataan dib u dhiska, dib u heshiisiinta, amniga iyo hormarinta
dalka".
Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre
ayaa ballan qaaday in dhallinyarada uu fursad siindoono, si ay uga qeybgalaan horumarka
dalka.
Sidoo kale, mar uu ka hadlayay
haweenka wuxuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaateen arrimaha bulshada.
"Haweenka waxay laf dhabar u
yihiin bulshada, waxayna kaalin lama ilaawaan ah uga jiraan badbaadinta iyo
horumarka shacabkeena", ayuu yiri.
"Waxay mudan yihiin in kaalin
mug leh ay ka qaataan hogaaanka iyo horumarinta wadankooda".
Ciidamada
qaranka
Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay
in ciidamada kaalin lama ilaawaan ah uga jiraan arrimaha dalka.
"Waxaan u mahadcelinayaa
ciidamada ammaanka oo si hagar la'aan ah, har iyo habeen ugu taagan difaaca
dalka iyo dadkooda", ayuu sheegay.
"Waxay si naftii-hure ah ugu
dhabar adeegeen xaalado aysan naga mudneyn".
Wuxuu ballan qaaday in ciidamada
xuquuqdooda ay helidoonaan.
"Waxaan halkan ka cadeynayaa in
aan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulidoona dhammaanteen, sidii ciidamad
qaranku ay u heli lahaayeen xuquuqdooda si joogto ah, waajibaadkoodana ugu
gudan lahaayeen si gobanimo leh oo dadka Soomaaliyeed weligood lagu
yaqiinay". Ayuu tilmaamay Ra'iisul wasaare Kheyre.
Ugu
danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa looga fadhiyaa in sida ugu dhaqsiyaha badan
uu u soo dhiso xukuumad aan la ogeyn tirada ay ka koobnaan doonto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]