4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta ra’iisal wasaaraha [Sawirro]


Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka ku siiyeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeya ay dowladda u dhaqaaqi doonto dhinaca dimoqraadiyadda, waxaana uu intaa ku daray in dowladad ay xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha axsaab siyaadeed iyo xoojinta la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan baaqa dowladda oo ay ka haraan kooxaha dhibaateynaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota ay dowladda ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha baarlaamanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo xiray kalfadhigii maanta

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]