Dufcadii ugu horeysay oo dhameysatay Taqasuska Qeynuunka & Shareecada ee Jaamacadda Banaadir
Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay
xaflad ballaaran oo ay ku qelin jebiyeen dufcadii ugu horeysay ee dhameysatay
taqasuska shareecada iyo Qeynuunka ee qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda
Banaadir (Master).
Arrintani ayaa ka dambeysay heshiis bilowgii sanadkii hore ay kala saxiixdeen
Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa ee dalka Sudan
kaasoo ku saabsanaa in labada Jaamacadood ay markii ugu horeysay iskaashi ka
sameeyaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka.
Munaasabadan ayaa sidoo kale kulmisay xiritaanka seminaar afar cisho socday
oo ku saabsana garsoorka toosan & sagootinta macalimiin ka yimid dalka
Sudan oo ka tirsan Jaamacadda International University of Africa kuwaasoo muddo
bil ah casharo taxane ka bixinayey taqasuska shareecada iyo Qaanuunka.
Ardayda dhameysatay taqasuskan oo gaarayey 92 ruux oo rag iyo dumarba leh ayaa
waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir,
Qareeno iyo garsoorayaal ka howgala Maxkamadaha dalka qaarkood.
Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha barnaamijka waxbarashada sare ee labada
Jaamacadood ayaa xafladaas ka sheegay in ardayda qelin jebisay ay nasiib u
yeesheen iney ka faaideystaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka oo uu xusay
inuu yahay markii ugu horeysay taariikhda ee dalka la keeno, wuxuuna xusay in
dhowaan ay bilaaban doonto diiwaan gelinta dufcada labaad, isagoo ardayda qelin
jebisay kula dardaarmay iney bulshadooda uga faaiideyaan aqoonta ay barteen.
Muusa Maxamed Cali (Qaanuuni) iyo Cumar Abuu Cubeyda Amiin oo ah macalimiinta
ka yimid dalka Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa
ayaa iyana ka waramay muhimada uu leeyahay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka,
iyagoo dhinaca kale ka mahad celiyey sida loo soo dhoweeyey mudada bisha ah ee
ay dalka joogeen, waxayna ardayda qelin jebisay ugu baaqeen in aqoonta ay
barteen ay ku dabaqaan howlaha ay umadda u hayaan si loo helo cadaalad lagu
kalsoon yahay.
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka
Somalia, ahna madaxa qeybta waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir oo isna ka
hadlay munaasabadan ayaa bogaadiyey ardayda qelin jebisay oo uu xusay iney
barteen aqoon baahi weyn loo qabay oo dibeda loo aadi jiray, balse hadda loogu
keenay dalkooda, isagoo u mahad celiyey Jaamacadda International University of
Africa oo gacan weyn ka geysatay taaba gelinta Taqasuskan.
“Jaamacadda Banaadir waxay xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo
Qaanuunka oo markii ugu horeysay dalka la keenay, iyadoo la kaashaneysa
Jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan waana guul lagu
farxo” ayuu yiri Prof. Cismaan Maxamuud Dufle.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna xafladaas ka
hadlay ayaa hambalyeeyey ardayda baratay taqasuska shareecada iyo Qanuunka,
wuxuuna u mahad celiyey macalimiintii ka socday Jaamacadda International
University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda
Banaadir.
“Labada Jaamacadood ee Banaadir iyo International University of Africa waxaa ka
dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, waxaana
rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca
kale xusay in la kordhin doono taqasusyada la xirira Qaanuunka iyos
Shareecadda.
Dr. Dalmar ayaa intaa ku daray in heerka caddaalada iyo garsoorka dalka ay
dhibaatooyin badan ka jiraan, loona baahan yahay ardayda dhameysatay taqasuska
shareecada iyo Qaanuunka iney wax ka bedelaan marka ay ka howlgalaan
Maxkamadaha dalka, ayna aqoonta sare ee ay barteen shaqadooda ku dabaqaan.
Waxaa sidoo kale xafladaas ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Gudoomiye
ku-xigeenka dhinaca maamulka ee Jaamacadda Banaadir ahna hormuudka kuliyada
shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacada C/raxmaan Xasan Cumar oo ka waramay
dedaalka labada Jaamacadood ku bixiyeen hirgelinta taqasuskan oo xusay in baahi
weyn loo qabay.
Ugu dambeyn waxaa xafladaas shahadooyin lagu guddoonsiiyey ardayda dhameysatay
taqasuska shareecada iyo Qeynuunka, sidoo kale maamulka Jaamacadda Banaadir
ayaa hadiyo ka kooban qalabka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyed gudoonsiiyey
macalimiinta ka socday Jaamacadda International University oo Africa ee dalka
Sudan, kuwaasoo ay si weyn ugu farxeen, waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay
jawi aad u wanaagsan.