4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Galmudug oo cafis u fidisay afar badmaax oo u dhashay dalka Yemen

 Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen afar badmaax oo u dhashay dalka Yemen ,kuwaa soo bishii lasoo dhaafay maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacyo ay ku riday Xukun.

Dhawaan ayeey aheyd markii markii maxkamad ku taala magaalada Gaalkacyo ku xukunta badmaaxydan u dhasha dalka Yemed in ay iska bixiyaan lacag 60 kun oo doolar ah, kadib markii lagu helay kaluumeysi sharci daro ah.

Ciidamada badda Galmudug ayaa raggaasi gacanta kusoo dhigay ka dib howlgal ay ka fuliyeen xeebaha degmada Hobyo.

Ugu danbeyntii, inta badan badmaaxiyiinta dalka Yemen ayaa lagu eedeeyaa in ay Kalluumeysi Sharci daro ah in ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]