4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2017
Diyaarado duqeyn ka geystay deegaano hoostaga gobolka Gedo

Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen kolonyo ay leeyihiin Al-Shabaab oo maraayay degaankaas.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo Cabaas Ibraahim Guray ayaa u xaqiijiyay warbaahinta duqeyntaas, waxaana uu sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii, duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhow deegaanka Ceelcadde waxaana ay diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Al-Shabaab sida ay sheegayaan Saraakiisha dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]