Ra’iisal wasaaraha oo maanta oo codka kalsoonida weydiisanaya baarlamaanka Soomaaliya
Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in fadhiga ugu horeeya
ee baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida loo qaado ra’iisal wasaaraha
dhawaan la magacaabay Xassan Cali Kheyre.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo oo furaya kaldhiga fadhiga kowaad ee baarlamaanka, ayaa dhinaca lagu
wadaa in ra’iisal wasaaraha uu codka kalsoonida weydiisto mudanayaasha
baarlamaanka.
Sida uu qabo dastuurka ayaa dhigaya
in Madaxweynaha marka uu soo magacaabo wasiirka koowaad uu hor-geeyo baarlamaanka,
si codka kalsoonida loo siiyo, waxaana madaxweynuhu uu ka codsan doonaa
Baarlamanaka inay codka kalsoonida siiyaan.
Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka
oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu heli doono
codka kalsoonida,
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa labadii
maalmood ee la soo dhaafay kulamo la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo
ka dalbanayay in codka kalsoonida ay siiyaan
Ugu danbeyntii, ra’iisul Wasaaraha
ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad cusub, waxaana lagu wadaa inuu maalmaha
soo socda hor-geeyo baarlamaanka barnaamijka xukuumaddiisa.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]