4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2017
Dowladda Eritrea oo taageertay Qatar

 

Jimco, June, 09, 2017 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ka codsadeen in dowladda Eritrea ay xiriirka diplomaasiga ah u jarto Qatar.

War-saxaafdeedka ayaa lagu sheegay in dawladda Eritrea ay gabi ahaanba arrintaasi ay diidday.

Eritrea ayaa sheegtay in shacabka Qatar ay wadaagaan xiriir wanaagsan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in codsiga dalalkaasi awgii ay xiriirka u jaraan.

War-saxaafdeedka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea uu ku baaqay in waanwaan lagu dhameeyo xiisadda u dhaxaysa Qatar iyo Dalalka ay is khilaafsanyihiin.

Dowladdaha Jabuuti iyo Senegal ayaa horay u sheegay in ay hoos u dhigayaan xiriirkii dhinaca Diblumaasiyada ee kala dhaxeeyay Qatar, walow aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in gabi ahaanba ay xiriirka u jareen

Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, Maldives, Mauratania, Libiya, iyo Yemen ayaa horay si rasmi ah u sheegay in ay xiriirka u jareen Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]