Cabdiwali Gaas oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish
Jimco, June, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir
jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah
Al-shabaab iyo Daacish kaddib dagaal culus oo habeen ka hore ka dhacay deegaan
ka tirsan gobolka Bari oo ay ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan ciidamada
Puntland.
Waxaa uu madaxweyne Gaas ka
tacsiyadeeyay geeridii askartii shalay lagu laayay dagaal ka dhacay deegaanka
Af-Urur, halkaasoo xero ciidan oo ay lahaayeen ciidamada daraawiishta ay
weerareen Al-Shabaab.
“Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar
garoobaan dagaal adag oo ka dhana ah burcad diimeedka ku soo duulay
dhulkayaga”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in Puntland isaga filan tahay inay iska
difaacaan kooxo uu sheegay in ay ku soo duulleen deeganada
maamulkiisa.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda federaalka iyo beesha caalamka in ay ku
taageeraan Puntland dagaalka adag ee ay kula jirto argagixisada oo uu ula jeedo Al-shabaab iyo kooxaha sheegta in ay ka tirsan yihiin Daacish ee ka dagaalama Puntland
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay 61 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ku
dileen dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur, waxaana ay ku furteen saanad
milateri oo ay ku jiraan gaadiid dagaal.
Hasse ahaatee sheegashada Al-shabaab waxaa beeniyay Puntland oo sheegtay in tiro intaa la eg oo ciidamo ah loogu dilin dagaalkii Af-Urur.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]