Theresa May oo aan is casili doonin xili xisbiga muxaafidka uu Lumiyay kuraas badan
Jimco, June, 09, 2017 (HOL) – Inkastoo xisbiga
Muxaafidka ee dalka Britian uu lumiyay kuraas badan oo baarlamaanka dalkaas uu
ku lahaa doorashadii dhacday Khamiistii shalay, haddana dhinaca kale waxaan is
casili doonin ra'iisul wasaaraha Britain Theresa May natiijada awgeed.
Theresa May ayaa ku guuldaraysatay in ay xoojiso aqlabiyadda uu xisbigeeda
ku lahaa baarlamaanka, ayadoo lagu wado inuu dhawaan furmo wadaxaajoodka uu
dalkaasi kaga baxayo Midowga Yurub.
Marka laga soo tago in xisbiga Muxaafidka uu lumiyay kuraas aan laga fileyn
oo tiro badan haddana wali waxaa la leeyahay waxaa xisbiga ugu weyn dalkaas
Britain.
Waxaa la saadaalinayaa in xisbigeedu uu heli doono 318 xilhibaan, halka
xisbiga shaqaalahana uu heli doono 261 xildhibaan, waxaa soo raaca xisbiga SNP
oo isna la saadaalinayo inuu heli doono 35 xildhibaan.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka, Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Theresa May
in ay iscasisho, laakiin May ayaa sheegtay in uu dalku u baahan yahay
''xasilooni'' taasoo uu xisbigeedu keeni kara.
Doorashadan oo ah mid wakhtigeeda laga soo hormariyay oo ay ku baaqday
ra'iisalwasaaraha dalkaasi Theresa May, waxaana isu diiwaangeliyay in ay
codkooda ku dhawaad 46.9 milyan oo qof.
Codbixintan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo aan ka
badnayn labo sano gudahood.
Doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday 2015 ayaa waxaa isu diiwaangeliyay
inay codeeyaan 46.4 milyan oo qof.
Dadka u soo baxay doorashadii 2015, markii xisbiga muxaafidka uu ku
guulaystay 331 ka mid ah 650 kursi, ayaa waxa ay aheyd boqolkiiba 66.4, taas oo
ka sarreysay doorashadii 2010.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]