4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2017
Lix qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday magaalada Baydhabo

 

Jimco, June, 09, 2017 (HOL) -- Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa seegaya in toogasho ay ka dhacday goor dhowayd xero ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay.

Goob joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in toogashadan ku dhinteen ilaa Lix ruux halka 9 kalana ay ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa dhacay kaddib is rasaasayn dhexmartay qaar ka mid ah ciidamada amniga maamulka K/galbeed oo goobta ku sugnaa.

Ilaa hadda ma cadda waxa khilaafku ka dhashay iyadoo wararka qaar sheegayaan in dhinac ka mid ah dhinaca is rasaaseeyey loo diiday in ay gallaan xerada barakacayaasha oo raashin lagu qaybinayey.

Bishii Ina dhaaftay ayeey aheyd markii sidan oo kale qof hubeysan degmada Caabud-waaq toogasho ku dilay Lix ruux oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka abaarta ka soo barakacay oo waqtigaa raashin loo qeybinayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]