4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2017
Dowladda Koonfurta Sudan oo 20 wariye oo Ajaanib ah ka mamnuucday in dalkeeda ay soo galaan

 
Jimco, June, 09, 2017 (HOL) –Dowladda Koonfurta Sudan, ayaa dalkeeda ka mamnuucday in ay soo galaan 20 wariye oo Ajaanib ah oo ay ku eedeysay in ay faafiyeen warar been abuur ah iyo buun-buunin waxba kama jiraan ah.

Wariyaasha uu saameeyay go'aanka ayaa kamid kuwa ugu caansan ee ka shaqeeyay wargeysyadda iyo Online-ka.

Hay’adda horumarinta warbaahinta dalka Koonfurta Sudan ee The Association for Media Development in South Sudan (AMDISS), ayaa sheegtay in go’aanka dowladda uu saameyn aan wanaagsaneeyn uu ku yeellanayo horumarka dalka.

Wariyaasha dalkaasi laga mamnuucay in ay galaan ayaa dhawaan wariyay warbixin ku saabsan xasuuq iyo jir-dil ay madaxda dowladda iyo ciidamada ay ka geeysteen dalka Koonfurta Sudan oo la isku yiraahdo “conflict-ridden South Sudan”.

South Sudan, ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee wariyaasha lagu dhibaateeyo marka loo eego wadamadda bariga Qaarada Africa.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia