4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2017
Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay xaafadda Taleex ee degmadda Hodan

 
Jimco, June, 09, 2017 (HOL) – Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho, ayaa maanta howlgallo baaritaanno ah ka sameeyay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Howgalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka socday Carwadii hore ee Taleex iyo Agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Inta badan dadka uu saameeyay howgalka ayaa waxaa u badan dhallinyaro, sida mid kamid ah dadka degaanka uu u sheegay Hiiraan Online.

Magaalladda Muqdisho, waxaa ka socda hawl-gal loogu magac daray xaqiijinayo amniga caasimada, waxaana magaalladda dibbadda looga saaray in ka badan 3000 oo kamida ciidanka Xooga dalka, waxaana la geeyey Jiidaha hore ee dagaalka si gaara Xerada Bali doogle, sida dowladda ay sheegtay.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay xaafadda Taleex:-

Arbacadii lasoo dhaafay, Xildhibaannad Samiira Xasan Cabdulle, oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka badbaaday qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socotay oo marayay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Dhinaca kale 28-ka bishii April, Xildhibaan Maxamuud Abukaate, ayaa ka badbaaday Qarax lagula eegtay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay, waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada Xildhibaanka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia