4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Askari Shabaab ah oo iska Dhiibay Afmadow iyo iska horimaad ka dhacay duleedka degmadaasi
Isniin, June, 26, 2017 (HOL) - Maamulka degmada Afmadow ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in askari ka tirsnaa kooxda Al-shabaab uu shalay gelinkii danbe iska soo dhiibay degmadaasi, kaa oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Jabhadda loo yaqaan ee weerarrada gaadmada ah fuliya ee kooxdaasi.

Gudoomiyaha degmada Afmadow Sheekh Max'ed Dhaqane oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in askariga uu xiriir lasoo sameeyay maamulka, kadibna marka uu usoo dhawaaday magaalada uu soo wacay, waxa uu xusay in ay uga hortageen meel qiyaastii 7-km u jirta Afmadow.

"7 Km marka uu noo soo jiro ayuu nala soo xiriiray, waan ka hortagnay, wuxuu noo sheegay in Shabaab kusoo daba jiraan, markii aan gacanta kusoo dhignay kadib ayaa waxa ay is rasaaseyn na dhex martay maleeyshiyaadkii ku daba jiray," ayuu gudoomiyuhu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in iska horimaadka dhexmaray ciidamadooda iyo Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in iska horimaadkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyay maleyshiyaadkii Al-shabaab.

Dhawaan ayuu sidaa oo kale sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iska soo dhiibay degmada Afmadow, waxyna arintan imaaneeysaa ayadoo lagu jiro mudo lix bilood ah oo ay dowladda Soomaaliya u qabatay in maleeyshiyaadka ka barbar dagaalama kooxdaasi isku soo dhiibaan mudo lix bilood gudahooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.