4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
Farmaajo: “Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya Qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan”

 
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa ugu baaqayaa dalalka martigeliya Qaxootiga Soomaalidda in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u oggolaadaan Qaxootiga in ay is hormariyaan.

Mudane Farmaajo ayaa kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, waxaana qeyb-kamid ah qudbadiisa uu kaga hadlay arrimaha Qaxootiga Soomaalidda.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaalidda ee magaalladda Kampala ku nool la kulmay waxaana uu yiri. “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaana ay booqdeen xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia