4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
Wasiirka arimaha gudaha DF Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

 

Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa kulamo la leh waxgaradka Gaalkacyo iyo mas’uuliyiinta labada dhinac, isagoo kala hadlaya sidii loo xoojin lahaa heshiiska nabadeed ee maalintii Talaadadii ay wada gaareen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug

Wasiir Juxa ayaa xalay ka qeyb galay kulan afur ah oo ay u sameeyeen waxgaradka magaalada ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay muhiim u tahay in xal nabadeed oo wadajir ah laga gaaro colaada Gaalkacyo.

“Gaalkacyo oo muddo dheer magaalo colaadeed aheyd, waxaa ay noqon kartaa meesha Soomaaliya nabada looga soo dabaali karo, waxaa qabaa in la raadiyo Gaalkacyo cusub, iyo Mudug cusub oo nabad lagu wada noolaado”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Waxaa uu sheegay in reer Gaalkacyo looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo wadajirka, si loo soo afjaro colaadihii afartanka sano ee ka jirtay magaalada, si ay magaalada Gaalkacyo tusaale ugu noqoto dalka oo dhan.

Socdaalka wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku tagay Gaalkacyo ayaa ah kii u horeeyay ee uu ku tago. iyadoo maalin ka hor lagu soo gaba gabeeyay wada hadal u socday Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo Puntland, kaasoo heshiis nabadeed lagu gaaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]