4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in wax dhaqaale ah looga wadahadlay kulamadii Khilaafka Khaliijka

 Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaaraadda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in arimo dhaqaale looga wada hadlay kulamadii la xiriira khilaafka Khaliijka ee dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo iyo wadamada Carabta.

“Warbaahinta waa in ay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushmada iyo dhaqanka diblomaasiyadda”ayuu yiri Wasiir Yariisow oo intaa ku daray in Saxaafadda kula dar daarmayo inay ka fogaadaan wararka aan salka laheyn ee wax u dhimi kara karaamada iyo sharafta qaranka iyo tan dalka aan walaalaha nahay.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo qoto dheer, ayna ka dhaxeeyaan dano badan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

“Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in, haba yaraatee, aan wax dhaqaale ah looga hadlin kulamadii la xiriiray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee arrimaha Khaliijka”ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida qaarkood ayaa baahiyay warbixino iyo qoraalo ka hadlaya dhaqaale loo balanqaaday dowladda Soomaaliya si ay xiriirka ugu jarto dowladda Qatar, hasse ahaatee dowladda federaalka ayaa ugu danbeyntii wararkaa beenisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]