4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Mas’uuliyiinta DF Soomaliya oo la faray in mudo 14 cisho ah ku soo diiwaangaliyaan ilaaladooda

 

Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) - Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa looga hadlay go’aannada ku saabsan sugidda amniga mas’uuliyiinta dowladda.

Wsiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow ayaa sheegay in muddo 14 cisho ah mas’uuliyiinta dowladda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in tani qeyb ka tahay go’aankii gollaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka amniga iyo xasalinta amniga Caasimadda, go’aankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.

Go’aanka golaha wasiirada faqradda 7-aad oo uu dhigan sidan “Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan mas’uuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex-wadan karin ilaalo ka badan Afar askari iyo ugu badnaan Labo gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47”

Wasiirka ayaa u qabtay xildhibaannada Labada Aqal, xubnaha golaha wasiirada iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta hogaanka dambi baarista (CID)

Amarkan ka soo baxay wasaarrada amniga gudaha ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka soconayeen howlgalo hub ka dhigis ah oo caasimada looga nadiifinayo hubka sharci darrada ah,  waxaana howlgaladan ka qeybqaadanaya ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban, militariga, nabad-sugida iyo booliiska Soomaaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]