4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2017
Shan qof oo lagu dilay Gobolka Mudug

 
Arbaco, June, 14, 2017 (HOL) –Ugu yaraan shan qof oo xoola dhaqata ah ayaa la rumeysanyahay in lagu dilay Tuulo u dhow degaanka Qeydaro ee Bariga Gobolka Mudug, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Dilka shanta ruux ayaa la aaminsanyahay in ay ka dambeeyeen koox maleeshiyaad ah oo weeraray tuulada.

Maamulka Gobolka Mudug, wali kama uusan hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka.

Qaar kamid ah dadka ayaa sheegaya in dilalkaasi loo sababeyn karo aano qabiil oo horay u jirtay. Dhinaca kale 24 saac ka hor beey aheyd, kadib markii magaalladda Gaalkacyo uu ka furmay Shir u dhexeeya Maamullada Puntland iyo Galmudug oo looga hadlay Colaadda ku soo noq-noqtay Gobolka Mudug iyo sidii loo xalin lahaa.

Sidoo kale shalay oo Talaado aheyd, magaalladda Muqdishu waxaa ka furmay shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa shrikaasi ka qeyb-galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiisiinta, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu socon doona illaa 17-ka bishan.

Qodobada shirka looga hadlayo waxaa kamid ah sida ugu haboon ee xalka looga gaari karo khilaafyada soo kala dhexgala Soomaalida iyo in la helo dib-u-heshiisiin guud.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia