4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta booqday xerada Laanta Buure ee G/Sh/Hoose

 
Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya C/rashiid C/llahi Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga dowladda Soomaaliya, ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada laanta Buure ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay sidii ay u dhiiragelin lahaayeen ciidanka dowladda ee ku xareysan xeradda.

Wasiir Cabdirashiid, ayaa ciidamada ku booriyay in ay mar walba u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Taliyaasha Milatariga iyo Xildhibaano, ayaa kamid ah wafdiga wasiirka waxaana u sheegeey in dowladda ay ka go’antahay in ay dalka ka saarto Al Shabaab.

Bishii April ee sanadkan 2017, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu bilowday dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo 60 maalmood ay fursad u siin doonaan dagaalamayaasha Al Shabaab si ay isku soo dhiibaan, waxaana uu ballan qaaday in adeegyadda ay u baahanyihiin ay dowladda siin doonto.

Tan iyo xiligaasi ciidamada dowladda ayaa la wareegay degaanno farabadan oo hoos yimaadan gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Al shabaab ayaa dhankooda qaadaya weerarada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia