Culimadda qaadiriyadda oo ka soo horjeestay guddida culimada ee madaxweyne Siilaanyo magacaabay
Talaado, June, 13, 2017 (HOL) – Qaar ka mid ah culimadda loo yaqaan Ahlu Sunna Wajameeca ee
Soomaaliland ayaa cabasho ka muujiyey guddida culimadda ee madaxweynaha ku
dhawaaqay oo ka kooban 12 xubnood oo ay sheegeen inay kooxdoodu ka maqan
yihiin.
Sidoo
kale, guddidan culimada ee Qaadariyadda ayaa sheegay in xubnahan la magacaabay
ee culimaddu aan iyaga xubinna lagaga soo darin, waxaanay sharci daro ku
tilmaamay 12 xubnood ee culimadda laga soo xulay oo ay sheegeen in
dastuurku qoraya inay guddida culimaddu noqdaan 11 xubnood halka hadda laga
dhigay 12 xubnood.
Guddidan
culimadda ee Qaadariyadda ayaa cabashadoodda u gudbiyey gudoomiyaha golaha
Guurtidda, waxaanay sheegeen inay u sheegeen in gabi ahaanba aan lagu darin
guddidaasi,isla markaaana culimadan tahay kuwii asalka ahaa ee dalka iyo dadka
cilmiga soo gaadhiyey ka hor inta aanay xarakooyin kan cusub dalka iman.
Guddidan
qaadariyada ayaa sheegtay inay yihiin culimadda ehlu suna wal jameeca, waxaa
ayna gudoomiyaha golaha Gurtidda u gudbiyey in qaabka loo soo xulay guddida
culimaddu aanu ahayn mid lagu saleeyey culimadda oo dhan ee qayb ka mid ah uun
samaysatay.
“waxaanu
nahay culimaddii ehelu suna wal jameeco ee wadanku asal u lahaan jiray, waxaanu
gudoomiyaha guurtidda kala hadalnay 11 guddida culimadda ee madaxweynuhu si
sharci daro ah u magacaabay, marka hore kow iyo toban culimo ah ayaa dastuurka
ku yaala madaxweynuhu wuxuu magacaabay 12 xubnood, qodobka labaaad culimadii
wadanka usoo halgantay illaa gumaystihi waxba lagama darin, waa dhinac kaliya, haddii
sidaas ku ansaxdo waxay noqonaysa nuqdad madow ayey qaranka Somaliland ku
noqonaysa” ayuu yidhi Sheekh Axmed Caabi oo guddidan culimada Qaadariyada ah u
hadlay markii uu ka soo baxeen kulan ay la lahaayeen Guddoomiyaha golaha
Guurtidda oo ay cabashadda u gudbiyeen.
Sidoo
kale, waxay sheegeen in madaxweynaha ku socdaan oo fariintoodda gaadhsiinayaan,
maadaama oo aanay guddidan la magacaabay ka maqan yihiin.
Guddoomiyaha
golaha Guurtidda ayaan isagu ka hadal cabashadda loo soo gudbiyey, waxaanu shir
albaabaddu u xidhan yihiin la yeeshay guddida culimadda ee cabanaysa.
Guddidan
culimadda ee madaxweynuhu magacabaay waxa ansixin doonna baarlamaanka, waxaanay
sidaas sharci ku noqon karaan inuu jiro gole culimmo waa haddii la ansixiyo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.