4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan

 


Talaado, June, 13, 2017 (HOL)- Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay xilalka kula kala wareegayeen mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Hiiraan iyo xubnihii horey xilalka looga qaaday ayaa ka dhacday xarunta maamulka gobolka ee magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM, waxaradka gobolka Hiiraan, ururada bulshada rayidka ay marti-sharaf kale ayaa ka qeybgalay xil wareejinta.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday waxqabadkii maamulkiisa muddadii koobneyd oo ay xilka hayeen, isaga oo mas'uuliyiinta cusub u reejiyay guul iyo in bulshada loogu adeego sinaan iyo cadaalad.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow ayaa uga mahad celiyay maamulkii hore waxqabadka iyo hormarada ay ka sameeyeen dib-u-dhiska iyo amniga, isaga oo balanqaaday in maamulka uu guddoomiyaha u yahay halkaa ka sii waddi doonnaan wax qabadka maamulkii hore.

Mas’uuliyiinta maanta xilalka la wareegay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa ku-xigeennada maamulka gobolka Hiiraan, guddoomiyaha degmada iyo duqa magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo AMISOM gaar ahaan taliyayaasha ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabada ayaa bogaadiyay maamulkii hore iyo wada shaqeyntii wacneyd oo ay la lahaayeen, iyaga oo dhinaca kalana maamulka cusub u rajeeyay wax qabad iyo in laga wada shaqeeyo amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]