4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Afar qof oo shacab ah oo lagu dilay degaan u dhow xadka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

 
Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Dadka degaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in Afar qof oo shacab ah lagu dilay degaan u dhow xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dadka shacabka ah ayaa la sheegay in lagu dilay degaanka Kaxan-dhaale ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin kamid ah degaanka ayaa sheegay in dilka ay geysteen maleeshiyaad Hubeeysan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha degaanka Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed, ayaa sheegay in aan wali la garan sababta balse ay jiraan baaritaano.

Dilalka ku saleysan aanooyinka qaliib ayaa mararka qaar laga soo wariyaa  degaanno ku dhow xadka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wixii kusoo kordha halka kala soco:-

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia