4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Nin rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dhallinyaro Soomaali ah oo lagu xukumay 39-sano oo xabsi ah

 
Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Anthony Sawina, ayaa lagu xukumay Isniintii shalay 39 sano oo xabsi ah, kadib markii uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dhallinyaro Soomaali ah oo u socday masjid.

Rasaastii gaariga lagu furay ayaa waxaa ay dhaawacday laba ruux oo gaariga saarnaa, waxaana toogashadaasi muslimiin badan ay ku sheegeen in ay tahay fal naceeyn ah.

Falka toogashada ah waxaa uu ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka 29-ka bishii June ee sanadkii 2016.

11 bishii May maxkamadda Hennepin County District Court, ayaa diiday in eedeysanaha uu is difaaco, waxaana maxkamadda ay sheegtay in falka uu geystay ay ku cadahay.

“Cadeymaha ayaa muujinaya in Sawina, uu fuliyay falka naxdinta leh”, sidaasi waxaa sheegay xeer ilaaliye Mike Freeman.

Soomaali badan oo ku nool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay falkaasi uu Anthony Sawina, ku rasaaseeyay Soomaalidii ku sii jeeday masjid-ka.

“Sawina, iyo koox saaxiibo ay yihiin ayaa saacada marka ay aheyd 2:30 a.m ee bishii June 29 ee sanadkii 2016, waxaa ay arkeen shan Soomaali ah oo uu ku jiran wiil soomaali ah oo xiran dharka dhaqanka, kuna sii jeeday Masjid si ay taraawiix usoo tukadaan, kadibna waxaa uu ku furay rasaas”, sidaasi waxaa maxkamadda ka sheegay goob-joogayaal.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia