4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2017
Al Shabaab oo madaafiic ku tuuray saldhig AMISOM ay ku leeyiihiin Sh/Dhexe


Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Wararka maanta laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Al Shabaab madaafiic ay xalay ku tuureen saldhigyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyihiin degaanno hoos yimaada Gobolka.

Dadka degaanka ayaa sheegay madaafiica in lagu tuuray saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Biya-cadde ee Shabeellaha dhexe.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda, sidoo kale ma jiraan war kasoo baxay AMISOM iyo maamul-gobolleedka Hirshabeelle.

Xaaladda degaanka Biya-cadde ee Shabeellaha dhexe, ayaa maanta degan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo goobaha yar-yar ee ganacsiga.

Dhinaca kale 10-kii bishan ayeey aheyd, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay tiro Hoobiyaal ah ay ku garaacay fariisimo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Number 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al shabaab ayaa inta badan madaafiic ku tuura saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana inta badan AMISOM iyana dhankooda ay ku jawaabaan madaafiic kale. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia