4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2017
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo magaalladda Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha IGAD

 
Talaado, June, 13, 2017 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaiye, ayaa magaalladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Guddoomiyaha Urur gobolleedka IGAD ahna Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Kulanka labada mas'uul ayaa ahaa mid gaar ah oo looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo dalka koonfurta Sudan.

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaiye, ayaa yiri  "Soomaaliya waxaa ay garab taagantahay sidii xal loogu heli lahaa koonfurta Sudan".

Dhinac kale Mudane Xasan ayaa hadalkiisa sii raaciyay  " Fariinteeyda ku wajahan walaalaheenna South Sudan waa in ay qoriga aamusiyaan oo ay wada hadalka fursad siiyaan".

Ra’iisal wasaaraha waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana safarkan uu noqonayaa kii Labaad ee uu dalka uga anbabaxo tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha. 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka IGAD ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia