4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2017
Madaxweynaha Ugnada iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo ka wada hadlay taageerada Soomaaliya

 
Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ugnada Yoweri Museveni iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa galabta kulan ku yeeshay magaalladda Addis Ababa.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa uu qabsoomay ka hor shir weynaha Madaxada Urur Goboleedka IGAD, oo ka furmay Addis.

Hailemariam Desalegn, ayaa hadda ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD, waxaana kulankooda lagu soo qaaday qodobo muhiim ah oo quseeyay hormarinta ururka, waxaana sidoo kale qodobadii ay ka wada hadleen kamid ahaa sidi loo taageeri lahaa Somalia.

Dowladdaha Itoobiya iyo Uganda, ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo taageera siinaya dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta xarakadda Al Shabaab.

Dhinaca kale waxaa sanadkan shirka ka qeyb-galaya markiisii ugu horreysay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaarhaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana safarkan noqonayaa kii Labaad ee uu dalka uga anbabaxo tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka IGAD ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia