4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2017
Laascaanood : Dadka abaarta ka soo barakacay oo ka cabanaya amarka soo baxay Soomaaliland

 

Isniin, June, 12, 2017 (HOL) - Wareegto uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland uu ku mamnuucay xeryaha dadka cayrtoobay ay samaysteen meelaha miyiga ah ayaa waxaa soo baxaya walaac ay ka muujinayaan qaar badan oo ka mid ahdadka abaaruhu saameeyeen.

"Waxaa noo yimid ciidan iyo madax la socota waxaana nalagu amray in aan ka guuro meeshii aan deganayn, ma jirto wax talo ah oo nala weydiiyey, ee ma yeelasaan ayaa nalagu ydhi dad maato ah oo ciidan dultban yihiina haa ayay dhaheen" sidaa waxa yiri mid ka mid ah dadka ku sugan kaamka Ceel-midgaan.

Sidoo kale Xaawo Maxa’uud oo aan kula kulanay magaalada Adhi-Cadeeye ayaa waxa ay sheegatay in ay haysatey 10 neef "Maaha hanti loola bixi karo miyi mana haysto hanti aan magaalo ku dego dee Ilaah baan leeyahay" ayeey sheegtay.

Talaabada Maamulka gobolka qaadeen ayaa salka ku haysa badbaadinta degaanka iyo baajinta colaad baahda oo ka dhalan karta degaamaynta xeryaha dadka caydhoobey taas oo horaantii abaarta dhawr meelood ka oogsatey laakiin lagu qaboojiyey inta abaarta ayay deganaandoonaan;

Waxaase si aad ah laysu weydiinayaa wadada loo maray ee lagu baabiiyey taas oo aan saamaxayn in ay ishelaan barakacaha iyo cidii caawinaysey maadaama aan si toos ah halmeel loogu rarin ee qofkasta la amray meesha uu doono in uu u guuro, taasina waxa ay ka cadhaysiin kartaa kuwa wax taakuleeya oo haatan gacan weyn siiya dadka abaartu xoolo tirtay.

Dhinaca kale waxaa jira dad badan oo xoolo wanaagsan u soo laabteen oo degan meelaha barakacayaasha ka dib markii ay la qabsadeen caydhnimadana ay xoolohoodii neceen ama ay dayacmeen taasina baabiinta kaamamku dan ayay u tahay sida baadhis la sameeyey ay tilmaamayso.

Si kataba ha ahaatee waxaa si aad ah laysu weydiinayaa dhibaatada soo wajihi karta ka dhibaataysan ee meel uu ciirsadaa aanay jirin,

Seynab Cabdi

[email protected]

Laascaanood