4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2017
Dacwad Ooge shaqadiisa ku waayay kaddib markii uu telleefoon ka qaban waayay Donald Trump

 

Isniin, June, 12, 2017 (HOL)- Dacwad Ooga sare oo heer faderaal ah oo ka shaqeeynaya magaalada New York ayaa shaaciyay in Trump uu shaqada ka eryay kaddib markii uu uu madaxweynuhu wakhtiyo kala duwan talleefoon aan caadi ahayn kula soo xiriiray.

Preet Bharara ayaa warbaahinta ABC News u sheegay todobaadkan in uu dareemay in talefannadii Trump ay ka soo tallaabeen xayndaabkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay mas’uuliyiinta sare iyo dambibaareyaasha madaxa-bannaan.

Bharara ayaa sheegay in shaqada laga eryay kadib markii uu diiday in uu markii saddexaad taleefan ka qabto madaxweynaha.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku durba kama uusan jawaabin eedayntaas.

Bharara oo uu magacaabay madaxweyne Obama ayaa sheegay in ay u muuqatay in madaxweyne Trump uu rabay in uu xiriir la samaysto kadib markii ay kulmeen dhammaadkii sannadkii 2016kii.

Laakiin wuxuu sheegay in uu dareemay in aysan "habboonayn" kadib markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay.

"Toddobo sano iyo bar aan shaqadaas hayay marna ima soo wicin madaxweyne Obama" ayuu yiri.

Source BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]