4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 12, 2017
Dowladda Kenya oo qabatay qaraxyo iyo raggii waday

 

Isniin, June, 12, 2017 (HOL) – Howlgal ballaaran oo ay isk kaashadeen ciidamada sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu waramayaa in lagu qabtay Lix ruux oo lagu tuhmay in ay weeraro ka geysan rabeen gudaha dalka Kenya.

Ragga la qabtay ayaa waxaa ka mid ah labo nin oo Kenyaan ah kuwaa oo qorsheynaayay in ay weeraro xooggan ka geystaan gudaha Kenya sidaasi waxaa war qoraal ah ku yiri taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinett.

Howgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Bulla- Xaawo iyo sidoo kale Mandera.

Boinett, ayaa sheegay in Abdulahi Daud Adan iyo Ismail Issack oo labaduba kasoo jeeda Mandera la rumaysan yahay in ay hogaaminaayeen weerarkaan lagu qaadi rabay Kenya.

Halka afarta kala ee Soomaalida ah ay kala yihiin Mohammed Ali Weythow, Xassan Aadan Bulle, Xassan Maxamed Jaamac iyo Axmed Muhhamed Muse.

Taliye Boinett, ayaa inta ku daray in raggaan ay wateen waxyaabaha Qarxa lana tuhusan yahay in ay weeraro geysan lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in dhammaan dadkan baaritaanno dheer ay ku haayaan ciidamada, islamarkaana dhawaan la soo taagi doono maxkamada ku taalla dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]