4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2017
Faafaahin: Nabadoon xalay lagu dilay Muqdisho

 
Isniin, June, 12, 2017, (HOL) – Koox hubeysan ayaa xalay Xaafadda Cali Kamiin ee Degmada Warta-nabadda, ku dilay nabadoon caan ka ahaan degaanka.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Xuseen Madaxeey, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay ku hubeysnaayeen Bastoolado.

Illaa iyo hadda lama Oga Sababta loo beegsaday nabadonka, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalladda Muqdishu.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo xooggan ka sameeyay degmadda balse uma suuragelin in ay helaan kooxdii dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon C/qaadir Xuseen Madaxeey.

Biihii lasoo dhaafay waxaa beegsi gaar ah lagu hayay Nabadoonada iyo eragadii wax kasoo dooratay xidhibaannada Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia