4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2017
Mareykanka : Ilaa 8 dagaalamayaasha Al-shabaab ah ayaa ku dilnay weerarkii Saakoow

 

Axad, June, 11, 2017 (HOL) Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka oo war ka soo saartay weerar lagu qaaday saldhig xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegtay in weerar cirka ah ku dileen 8 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

“Maraykanka waxaa uu ku qaaday weerar duqeyn ah isagoo kaashanaya wadamada gobolka Al-shabaab Axadii iyadoo loogaga jawaabayo falal dhowaan uu geystey ururkaas.”ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka

Madaxwynaha dowaladda Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war uu maanta soo saaray ku sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada caalamiga ah bur buriyeen sida uu hadalka u dhigay xero tababar oo Al-shabaab ay ku lahaayeen meel ku dhaw deegaanka Saakow.

Lama sheegin jawaabta iyo ujeedada laga lahaa weerarkan lagu qaaday xerada militari ee Al-shabaab, laakiin waxaa xusid mudan in madaxweynaha dowladda Soomaaliya dhawaan ku hanjabay in ay ka aar-gudan doonaan Al-shabaab kaddib weerarkii Af-Urur ee Puntland looga dilay tiro badan oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]