4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Wafdi uu horkacayay wasiiru-dowlaha arimaha dibada Qatar oo maanta tagay Muqdisho

 Axad, June, 11, 2017, (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho maanta tagay wafdi sare oo ka socday dawladda Qatar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay. 

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdiga Qatar uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arirma dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre. 

Toddobaadkii horena waxaa magaalada Muqdisho tagay sida laga soo xigtay ilo muhiim ah wafdi ka socday dowladda Sacuudiga sida laga soo xigtay safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Max'uud Geelle.

Ma jiro wax faah faahin ah oo dhinaca dowladda ka soo baxaya oo ka hadlaya wafdiga maanta tagay magaalada Muqdisho.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhaxdhaxaad ka tahay khilaafka u dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo khilaafadka.

Hasse ahaatee waxaa muuqata in ay hadda  wajaheyso xaalad u eg labo daran mid dooro, iyada oo cadaadis ba’an kala kulmeysa dowladda Sacuudiga oo siweyn uga xumaatay go’aanka dowladda Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]