4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2017
Madaxtooyada Soomaaliya : Waxaan burburinay saldhig Al-shabaab ku lahaayeen Saakoow

 

Axad, June, 11, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu faah faahiyay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe..

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidamada Soomaalida ee sidda gaarka ah u tababaran oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhigan oo ahaa mid Al-shabaab u isticmaali jireen tababarada.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in hawlgalkaasi u dhacay si guul ah, isla markaana lagu burburiyey taliskii Shabaab iyo weliba isku xidhkii sahayda.

‘’Tani waxaa ay si weyn u dhaawacaysaa awooddii ururka Al-Shabaab u yeelan lahaa in ay weeraro cusub ku qaado meelo ka mida Soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta amnigu ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa, isla markaana weerarkani uu kor u qaadayo ammaanka, hoosna u dhigayo weeraradii ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]